Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaarrisa: Xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay qarax ay aasayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayoa magaalada Gaarrisa ee Gobolka Waqooyi bari Kenya, ayaa sheegaya in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab ay ku geeriyoodeen, 4 kalena ay ku dhaawacmeen,kaddib markii qarax ay dhulka ku aasayeen uu ku qarxay.

Laamaha ammaanka Kenya oo war ka soo saaray dhacdadan, ayaa xaqiijiyay geerida 3 qof xilli ay qarax aasayeen,waxayna intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Booliiska Kenya ayaa heley xog ku saabsan in 4-ta qof ee dhaawacantahay durba lagu qaaday gaari nuuca Toyota Hilux ah,islamarkaana ay qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo goobta ka baxsaday.

Laamaha Ammaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in kooxda  Alshabaab ay kordhiyeen muddooyinkii ugu dambeeyay miinooyinka ay dhulka ku aasayaan,gaar ahaan Gobolka Waqooyi bari ee Soomaalidu degto.

PUNTLAND POST

The post Gaarrisa: Xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay qarax ay aasayeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this