Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay shacab lagu laayay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ka hadlay 3 qof oo rayid ah oo maanta lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland saaka dilay nin ganacsade ah oo sugnaa xaruntiisa ganacsi.

Sidoo kale guddoomiye Sanyare wuxuu intaas ku diray in askariga dilka geystay iyo ciidamo boolis ah oo isku dayay in ay qabtaan, rasaas ay isweydaarsadeen ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah oo saarnaa gaari bus ah, sidoo kale hal qof dhaawac culus ka soo gaaray rasaastaas.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waxa uu xusay inaan la qaban askariga dilka geystay, balse lagu raad-joogo.

Hoos ka daawo guddoomiye Sanyare oo ka hadlaya dhacdadan.

Puntland oo ka hadashay dhacdo dad ku dhinteen oo ka dhacday Gaalkacyo.

Posted by Puntland Post on Friday, September 11, 2020

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka hadashay shacab lagu laayay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this