Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Qoor-Qoor oo la kulmay xisbiyada mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmuudg, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay hoggaanka xisbiyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Intiisa badan waxaa kulanka diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020-ka illaa 2021.

Waxaa sidoo kale lagu soo qaaday sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana Muqdisho ku wada sugan madaxda dowladda & kuwa dowlad goboleedyada oo ka arrinsanaya doorashada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119217995_3287987554571583_1435799484707059867_n 119062823_3287987661238239_2653703477551986062_n 119169272_3287987314571607_6549899893752564520_n 119203202_3287987097904962_1454713509400499398_n

 

 

xildhiba hgogganma

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this