Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Kismaayo iyo Shaafi Raabi oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaaan qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac ah.

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin  ayaa u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray qaraxaas kadib Salaaddii Jimcaha sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas.

Dhaawaca Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubbaland oo loo qaaday Isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa geeriyooday xilli loo fidinayo gargaarka caafimaadka.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa sidoo kale ahaa xoghayihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiyey halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo u badan ilaalada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeysay mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee lagu dilay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga DG Jubbaland AUN Shaafi Raabin Kaahin iyo ilaalo la socotay.

The post Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Kismaayo iyo Shaafi Raabi oo geeriyooday first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this