Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex musharrax  Afrikaana oo u tartameya Madaxa Ururka Ganacsiga ee Adduunka,Maxayse ku soo kordhin doonaan Qaaradda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex musharrax  Afrikaana oo u tartameya Madaxa Ururka Ganacsiga ee Adduunka,Maxayse ku soo kordhin doonaan Qaaradda?

Saddexda musharrax ee Afrika ka socota ee u tartameysa madaxa Ururka Ganacsiga ee Adduunka
Saddexda musharrax ee Afrika ka socota ee u tartameysa madaxa Ururka Ganacsiga ee Adduunka

Saddex ka mid ah siddeedda musharrax ee u tartameysa xilka madaxa Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO waxay ka socdaan qaaradda Afrika. Haddaba weriyaha BBC-da ee arrimaha ganacsiga, Zawadi Mudibo, wuxuu warbixinta ku eegeyaa isbeddellada ay u horseedi karaan qaaradda haddii mid ka mid ah loo doorto xilkaas.

Diblumaasiyiinta Afrika ayaa rajo ka muujinaya in qof ka socda qaaradda uu la wareego xilkaas ugu sarreeyo ee mid ka mid ah ha’yaddan dhaqaalaha caalamka maamula.

Qof Mareykanka ah ayaa mar kasta hogaamiyo Bangiga Adduunka, halka Yurub na ay mar kasta madax ka tahay Ha’yadda Lacagta Adduunka ee IMF, balse Afrikaanku weligood ma aysan qaban jago kuwaas lamid ah.

Haddii qof ka mid ah saddexda musharrax ee ka socota Afrika ee kala ah Ngozi Okonjo-Iweala oo Nigerian ah, Aamina Maxamed oo u dhalatay Kenya iyo Cabdel Xamiid Mamduux oo ka soo jeeda Masar ay noqdaan madaxa xiga ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxay qaaraddu daaremeysa in ay la jaan qaadeyso dunida inteeda kale, marka ay timaaddo kaalinteeda ku aadan hogaaminta dunida.

Haween ka shaqeynaya warshad dharka soo saarta

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Haween ka shaqeynaya warshad dharka soo saarta

Ururka WTO oo uu fadhigiisu yahay magaalada Geneva wuxuu maamulaa ganacsiga adduunka iyo sidoo kale wuxuu xalliyaa muranka dhanka ganacsiga ee soo wajaha dalalka. Sida laga soo xigtay website-ka hay’adda “wuxuu u furan yahay in dhammaan laga wada faa’ideysto ganacsiga”

Agaasimaha guud ee WTO wuxuu ka qeyb galayaa shirarka madaxda G7 iyo G20, wuxuuna garwadeen ka noqonayaa xallinta khilaafka ka dhex dhaca hogaamiyeyaasha caalamka.

‘Ganacsiga ma ahan gargaar’

Haddii qof ka socda Afrika uu qabto xilka, wuxuu ka caawin karaan qaaradda in wax weyn uu u qabto gaar ahaan ajandayaasha la horgeeyo shirweynaha ururka WTO.

Ngozi Okonjo-Iweala, waa mid ka mid ah musharrixiinta ka socda qaaradda Afrika

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES/ERIC PIERMONT

Qoraalka sawirka,Ngozi Okonjo-Iweala, waa mid ka mid ah musharrixiinta ka socda qaaradda Afrika

Wadahadallada looga arrinsanayo ganacsiga ayaa laga yaaba in dad yar ay ka qeybgalaan oo uu noqdo mid albaabada uu u xiran yahay balse natiijada ka soo baxda waxay saameyn ku yeelan kartaa qof kasta.

Laga bilaabo ganacsatada yar yar ah ee badeecadaha isaga gudbiyo xudduudaha gobollada, kuwa ka ganacsada badeecadaha la soo dhoofiyo iyo qof shaqadiisu tahay warshadaha wax soo saarka, dhammaantood waxaa saameyn ku yeelan doona xeerarka ganacsiga ee uu Ururku soo saaro.

Afrika, ganacsiga waxaa loo arkaa in uu yahay waxa hagaya kobaca dhaqaalaha iyo tallaabo looga hortaggi karo macluusha.

Amina Maxamed ayaa ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka ugu sarreeya ee hay'adda Ganacsiga Adduunka - WTO.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES/MOHAMED ABDIWAHAB

Qoraalka sawirka,Amina Maxamed ayaa ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka ugu sarreeya ee hay’adda Ganacsiga Adduunka – WTO.

“Gargaarka shisheeye dan uguma jirto Afrika, sida meelaha kale ee dunida, taariikhda waa ganacsiga” waxaa sidaas yiri David Luke oo ah madaxa xarunta siyaasadda ganacsiga ee ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha dhaqaalaha Afrika.

“Haddaba, qofka caadiga ah ee Afrikaanka ah wuxuu fahmayaa marka qof ay isku jinsiyad yihiin uu hogaaminayo WTO, waxay taasi muujineysa in aan u soo jeedno ganacsiga”.

Ganacsiga xorta ah iyo Afrika

Okonjo-Iweala, oo horey u aheyd wasiirka maaliyadda ee Nigeria ayaa BBC-da u sheegtay in ay dooneyso “in ay aragto sidii lagu heli lahaa haween iyo dhalinyaro ka dambeeya horumarka Afrika si wax badan looga faa’ideysto ganacsiga adduunka.”

Waxay dooneysaa in qaaradda ay ka madaxbanaanaato badeecadaha looga soo dhoofiyo dibadda isla markaana “la qiimeeyo badeecadaha laga soo saaro gudaha qaaradda.”

“Tusaale ahaan, waxaan boqolkiiba 94 dawooyinka qaaradda laga soo dhoofiyaa dibadda anaga oo gudaha qaaradda ku soo saari karno.”

Aamina Maxamed oo horey u soo noqotay wasiirka ganacsiga iyo arrimaha dibadda Kenya waxay BBC-da u sheegtay in haddii ay ku soo baxdo tartanka “ay waji cusub oo loo dhan yahay ku soo kordhin doonto WTO.”

“Waxaan rajo wayn ka qabaa in la igu tirin doono hogaamiye khibrad leh oo haween ah Afrikana ka soo jeeda.”

Abdel-Hamid Mamdouh
Qoraalka sawirka,Cabdul-Xamiid Mamdouh oo u dhashay Masar ayaa ka mid ah musharrixiinta Afrika.

Cabdel Xamiid Mamduux oo Masar u matalayay ururka WTO, tan iyo sannadkii 1985-tii ayaa sheegay in khibrad durugsan uu u leeyahay hay’addan maamusha ganacsiga dunida, taa oo u horseedi doonta in uu caawiyo qaaradda Afrika.

“Ajanddaheyga Afrika wuxuu yahay in aan ku dadaali doono in dadka Afrikaanka ah ay ka dhex muuqdaan nidaamka ganacsiga.”

“Waxaan sidoo kale ugu baaqi doonaa hogaamiyeyaasha siyaasadda Afrika inay diiradda saaraan siyaasadahooda ganacsiga.”

2px presentational grey line

Magacyada musharraxiinta u tartameysa agaasimaha guud ee WTO

  • Maxamed Maziad Al-Tuwaijri – Sacuudi Carabiya
  • Liam Fox – UK
  • Jesús Seade Kuri – Mexico
  • Cabdel Xamiid Mamduux – Masar
  • Aamina Maxamed – Kenya
  • Yoo Myung-hee – South Korea
  • Ngozi Okonjo-Iweala – Nigeria
  • Tudor Ulianovschi – Moldova
2px presentational grey line

Si kastaba, marka ay timaaddo in Afrika laga caawiyo in ay gaarto heshiiska ganacsiga xorta ah – waxaa kaalin weyn ka qaadan kara Ururka Ganacsiga ee Adduunka.

Heshiiska, dhaqangelintiisa oo uu hakad geliyay cudurka safmarka Korona, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqi doono aag ganacsi oo xor ah ee ugu weyn dunida.

Dhexdhexaadinta khilaafka ganacsiga Shiinha iyo Mareykanka

Dagaalka ganacsiga ee ka dhexeeyo Shiinaha iyo Mareykanka iyo siyaasadda madaxweyne Trump waxay u muuqdaan in dib u dhac ay ku yihiin fikradda ah ganacsiga xorta ah. Xayiraadaha ka hortagga fiditaanka fayraska Korona waxay saameyn ku yeesheen isu gudbinta badeecadaha ganacsiga.

Dagaalka ganacsiga ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Dagaalka ganacsiga ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha

Dedaalka ururka ee ku saabsan hirgelinta xeerar cusub oo ay ku heshiiyaan ayaa caqabad noqday, sannadkii 2001-dii.

Ururka WTO wuxuu bilaabay heshiisyo kale oo lagu gaaray magaalada Dooxa. Waxaa la filayay in halkaas looga dhawaaqo isbeddallo cusub oo lagu caawinayo dalalka soo korayo, balse wuu guuldareystay heshiiskaas.

Waan arrin u taalla qofka hogaamin doona WTO, bisha November ee sannadkan.

Shaqada ugu weyn ee laga sugayo cidda loo dooran doono agaasimaha ha’yaddan waxay tahay in dib uu u soo celiyo fikraddii iyo aaminaaddii laga heystay Ururkan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this