Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wararkii u dambeeyey ee shirka wada-tashiga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dhammaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed ee Jubbaland, Puntland, HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan gudaha caasimadda, waxaana haatan socda shirar gaar gaar ah oo ay la leeyiin madaxda dowladda dhexe.

Shirka ayaa waxaa la filayey inuu furmo maanta oo ay ku beegan tahay 10-ka September, balse uu dib u dhacay, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa socda dadaallo xoogan oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyadaasi, si xal mideysan looga gaaro arrimaha doorashada ee 2020/21.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka wada-tashiga Muqdisho uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Sabtida ah ee soo socota, waxaana diirada lagu saari doonaa marxaladda kala guurka ah ee loogu jiro iyo doorashooyinka soo socda.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeyey, iyadoo inta badan la xiray waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Shirweynahan ayaa daba socda shirkii Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa , si looga gaaro go’aan rasmi ah oo loo dhan yahay, maadaama shirkaasi ay maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this