Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo lagu bogaadiyey deegaano ay kala wareegeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha cusub ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya General Diomede Ndegeya ayaa guul ku tilmaamay dib u qabsashada ciidamadooda ay kula wareegeen deegaano dhowr oo ay horey Al-Shabaab ay gacanta ugu hayeen.

Generalka ayaa waxaa uu dhowaan booqday dhammaan qaybaha ciidamada AMISOM ee ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, isagoo ku hor maray mida koowaad.

Sidoo kale waxaa uu muddadii uu ku jiray safarkiisa uu tegay deegaanadii ugu dambeeyey ee ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay kala wareegeen Al-Shabaab, sida Sabiid, Caanoole, Bariire, Awdheegle Ceel Saliini iyo Janaale, iyadoo xilligaasi uu ciidamada AMISOM hogaaminayey General Brig  Richard Otto.

Ndegeya ayaa tilmaamay in deegaanada ay la wareegeen ciidamada Midowga Afrika ay muhiim u ahaayeen Al-Shabaab oo ka soo abaabuli jiray weerarada ka gaystaan gudaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu intaasi ku daray in magaalooyinkaasi ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan ciidamada AMISOM, islamarkaana ay isku xiraan deegaano badan oo ku yaalla gobalka Shabeelada Hoose.

Ugu dambeyn Taliyaha cusub ayaa ciidamada AMISOM kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab,  si ay guud ahaan Soomaaliya nabad ugu soo dabaalaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this