Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta Oo Soo Rogay Amar Yaab Leh Oo Loogu Daneynayo Dadka Yahuuda Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Abu Dhabi)-Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii soo saaray amar loogu sheegay dhammaan hoteellada magaalada Abu Dhabi inay diyaariyaan cunto waafaqsan diinta iyo sharciyada Yahuudda, si ay uga helaan dadka Yahuudda ee usoo dalxiis tagaya magaalada, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka ee Anadolu.

“Dhammaan hoteellada waxaa lagu wargelinayaa in ikhtiyaarka cuntada Kosher-ka ay ku daraan cunooyinkooda,” waxaa sidaas lagu yidhi warqad hoteellada loo diray.

Dhammaan hoteellada Abu Dhabi oo gaadhaya 160 – ayaa waxaa laga doonayaa inay helan shahaadada Kosher, taasi oo caddeyneysa in cuntada lagu diyaariyey si waafaqsan sharciga iyo diinta Yahuudda, kuna dhejiyaan kushiinadooda.

Madaxa Golaha Yahuudda ee Imaaraadka Carabta, Ross Krill ayaa soo dhoweeyey go’aanka Abu Dhabi, wuxuuna ku qeexay tallaabo “cajiib ah oo muujineysa soo dhoweyn iyo marti-soor,” sida uu kasoo xigtay wargeyska Times of Israa’iil.

13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xiriir dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayo muddo sanado ah

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this