Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka wada-tashiga Muqdisho oo dib u dhacay iyo wararkii u dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la filayey inuu saaka si rasmi ah uga furmo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in dib u dhaca uu sababay khilaafka weli u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa xalay baaqatay munaasabad casho sharaf aheyd oo ay isku arki lahaayeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, marka la’eego is mari-waaga ka taagan sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee 2020/21.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this