Deeq A. Posted September 10, 2020 Waxaa deegaanada Puntland ku sii kordhaya kiisaska cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, kaas oo noqday mashaqo caalami ah oo saameysay caalamka. Wasiirka caafimadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in deegaanada maamulkaasi uu haatan ku soo laba kacleeyey xanuunka Covid-19. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in todobaadkan ay baaris ku sameeyeen illaa 377qof kuwaas looga shakiyay inay qaban cudurka, balse waxaa laga helay 31 ka mid ah dadkaasi. Soomaaliya ayaa ka mid noqotay wadamada uu sameeyey cudurka Coronavirus, inkastoo haatan uu xanuunka u muuqda mid ka sii dabar go’aya dalka, gaar ahaan Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites