Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamina oo ruxay Madaxtooyada Somalia+Khsaraaha Dhimasho & Dhaawac

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax ismiidaamina oo ruxay Madaxtooyada Somalia+Khsaraaha Dhimasho & Dhaawac

 qarax-1.jpg

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay makhaayada Blue Sky oo ku taalla meel ku dhow Kontrol laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia una dhexeysa tiyaatarka iyo xabsiga Godka Jilacow.

Nin naftiisa soo biimeeyey oo isku soo xidhay waxyaabaha qarxa ayaa dhex galay ka dibna isku qarxiyey makhaayada oo xiligaas ay fadhiyeen dad shacab u badan oo galabtii halkaas ku shaaha.

Meydadka dad shacab ah oo la garan waayey ayaa la sheegay iney yaalaan goobta, iyadoo dad badan oo dhaawac ahna loo qaaday goobaha Caafimaadka sidoo kale burbur badan ayuu geystay qaraxaas.

Ugu yaraan saddex qof ayaa illaa hadda la xaqiijiyey iney ku dhinteen qaraxan marka laga reebo qofka isqarxiyey halka 7 kale ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay afhayeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Farmaajo.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay qaraxan, Al-shabaabna weli kamay hadal.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this