Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, kadib qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey ruux naftii halige ah oo dhex tegay dad ku sugnaa banaanka maqaayadda Blue Sky oo ku taalla agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar dadka dhintay waxaa ka mid ah Ilma yar oo Caseeye ah oo ku sugnaa goobtaasi.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah oo u badnaa shacab ayaa waxaa la geeyey isbitaallada qaar ee magaalada Muqdisho.

Weli ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada qaraxyada ah ka fulisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this