Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay maqaayad ku taalo bar koontrool oo laga ilaaliyo Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax xoogaan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay maqaayad ku taalo bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Blue Sky.

Qaraxa ayaa loo maleenayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana dhawaqa qaraxa laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah ayaa sheegayo inuu qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la og yahay geeriyootay laba qof oo mid uu ahaa cunug yar.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa xiray meesha uu ka dhacay qaraxa, mana jirto cid weli sheegatay inkastoo qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay kooxda Al-Shabaab

Waa markii 6-aad oo qarax lala eegto Maqaayadda Blue Sky oo ku taalo agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

The post Qarax ka dhacay maqaayad ku taalo bar koontrool oo laga ilaaliyo Villa Somalia first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this