Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda K/Galbeed iyo HirShabelle oo kulan ku yeeshay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa dhacay, kadib markii ay soo idlaatay munaasabad casho ah oo Baydhabo loogu sameeyay Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Intiisa badan waxaa kulankan diirada lagu saaray xiriirka iyo wada shaqeynta labada maamul, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ku ballameen in dowladda federaalka ay la wadaagaan culeyska ay Al-Shabaab ku hayaal deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Baydhabo ayaa waxaa ka furmaya shir wada-tashi ah oo u dhexeeyo madaxda maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, kaas oo diirada lagu saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this