Sign in to follow this  
Deeq A.

Daraawiishta Jubaland iyo DANAB oo hawlgal qorshaysan ku laayay saraakiil Al-shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubaland, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska DANAB ee heer Federaal, ayaa hawlgal qorshaysan ku laayay saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalka oo laga fuliyay Degaannada Dhisheeg-waamo, Maroodi-gubow iyo Dhaayunbow ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sare.

Magacyada laba horjooge oo kamid ahaa dadka ku dhintay Hawlgalka, ayaa lagu sheegay horjooge Cabdi Maxamed Bashiir oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Jubada Hoose iyo sidoo kale horjooge magaciisa lagu soo koobay Xirow.

Saraakiisha hoggaaminaysa Hawlagalkas, ayaa laga soo xigtay in sidoo kale la burburiyay dhammaan xarumihii Al-shabaab ku lahaayeen Degaannada laga fuliyay Hawlgalka.

PUNTLAND POST

The post Daraawiishta Jubaland iyo DANAB oo hawlgal qorshaysan ku laayay saraakiil Al-shabaab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this