Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga Adduunka oo Agaasime cusub u soo magacaabay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay+Magaalada Fadhigiisu noqon doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Bankiga Adduunka oo Agaasime cusub u soo magacaabay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay+Magaalada Fadhigiisu noqon doono

baanka-300x248.jpg

Bankiga Adduunka ayaa Keith Hansen u soo magacaabay inuu noqdo agaasimaha cusub ee Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda, isagoo shaqada bilaabaya maanta.

Hansen, oo khibrad ka badan 30 sano u leh arrimaha horumarinta ayaa madax ka noqon doona in ka badan 100 mashaariic oo ay ku kacayso in ka badan $13 bilyan (Sh1.4 trillion).

Magacaabiddiisa ayaa ku soo aadeysa xilli dhammaan dowladaha Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda ay la daalaa dhacayaan saameynta xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Hansen wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan, isagoo kahor intaan la soo magacaabin la taliye ka ahaa xafiiska madaxa World Bank.

Wuxuu u dhashay Mareykanka, wuxuu shahaadada heerka koowaad ee sharciga ka haystaa Jaamacadda Stanford, shahaadada heerka labaad ee Arrimaha Bulshada wuxuu ka qaatay Jaamacadda Princeton, isagoo sidoo kale shahaadada heerka koowaad ee Sayniska Siyaasadda ka haysta Jaamacadda Yale.

Hansen waxaa saldhiggiisu uu noqon doonaa Nairobi, Kenya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this