Deeq A. Posted September 8, 2020 Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Jaceelow, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad ah ay marxuumka ku dhex-dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Port-Elizabeth, kadibna ay goobta ka baxsadeen. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey weerarada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi View the full article Share this post Link to post Share on other sites