Sign in to follow this  
Deeq A.

Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay 2020 W/Q Siciid Gahayr

Recommended Posts

Deeq A.   

Gahayr209-300x157.jpg

form-four-242x300.jpg

Qormada 1aad.

Buugga Maaddada Afka Soomaaliga ee Fasalka Afraad ee dugsiyada sare ee Somaalilaan oo ka kooban 207 bog, waxa qoray afar qoraa oo kala ah Xasan Muxumed Qalinle, Axmed-Yaasiin Cabdiraxmaan Axmed (Dool), Maxamed Axmed-Beddel Xaaji Maxamuud iyo Cabdiwahaab Bashiir Sheekh Cumar. Maxamuud Xaaji Xasan Khaliif (Tulux) ayaa ahaa tifaf-tirihii Guud ee 2016ka, waxaana kaaliye tifaftire ahaa Xasan Muxumed Qalinle, raggaas ayuun baa ku qoran kan dambe ee 2020kii soo shaacbaxay. Waxa 2016kii ku jiray gurrac, ku-tumasho qoraal iyo qallooc xadhkaha goostay oo aan diyaar u ahaa inaan doorkayga ka qaato tayayntiisa marka laga tashado hagaajintiisa.

Nasiib-wanaag, 20kii Jeneweri 2020ka ayaan ogaaday in dib-u-eegis lagu samaynayo manhajka dugsiga sare ee afka Soomaaliga, laakiin loo dhiibay xer aanan ku kalsoonayn oo gacanqabasho iyo garab weyn u baahnaa. Waxa aan maalin weyddiiyay Agaasimihii Manaahijta Cabdillaahi Yaasiin Diiriye, “Manhajka ma raggii 2016ka la daahay qoraalka, ee aan waayo-aragga ahayn ayaad u xilsaarteen?”. Waxa uu yidhi “Guud ahaan bareyaasha Soomaaliga waa laga cabanayaa. Maxaa keenay inay dadki fahmi waayaan afka hooyo?”.

Markii aan arkay in aanu oggolayn in dhankaas laga maro ayaan gaabsaday. Waan garan karaa marka qof dheeraad ahi hawsha ku soo biiro in laga fekerayo in lacag dheeraad ah la rabo… Laakiin tirada laguma darin in is-xilqaan iyo samafal lagu qaban karo hawl qaran leeyahay.. Waxa toosinta ka qayb qaatay mudane ka mid ahaa darkii hore u qoray iyo raggii ku haftay fasallada 1aad iyo labaad ee dugsiga hoose. Nin casharkii uulada maarayn waayay miyaa loo dirayaa dugsi sare? Miyaad dhakhtar ka noqon kartaa daaf aad adigu dhalisay?

Cid wax-ka-beddeshayba 28kii Ogos 2020ka ayuu Agaasimihii Hore ee manaahijta Somaliland Md Cabdillaahi Yaasiin Diiriye sheegay in wax-ka-beddel lagu sameeyay manhajka dugsiyada sare iyo dhexe, waxaanu sheegay in la saxay qalad ku jiray kii 2016ka soo baxay. Laakiin waa kud ka guur oo qanjo oo u guur, ama ka dar oo dib oo dibi dhal.

Labada nuqul ee soo kala baxay 2016ka iyo 2020ka; wax xil ah la iskama saarin hannaanka iyo xeeraarka qoraalka sida xarfaha labanlaabma, meelo badan oo u baahnaa labanlaab ayaa laga dhigay keli. Guud ahaan higgaadda lagu qoray buuggu waa mid jaban, dalbo iyo tuur leh, wada dhiico iyo warab ah oo hays iyo tulux leh.. Waa dhigaal dheelli ah oo dhutinaya. Indhaha ayaa ka boodaya akhriskiisa. Waxa caddaan ah in aan 2016kii iyo maanta oo 2020 ah oo la saxay aan loo dirin cid aqoon u leh hannaanka qoraalka. Astaamaynta/summadaha qoraalka iyo magacyada gaarka ahna sida higgaadda loo marooriyay ayaa loo malluuqay.

Ma bare aan wax ka badan cashar-diyaarinta isku hawlin ayaa qoraalka sixi kara mise qof qoraalka toolmoon wax ka garanaya, oo la tusmeeyo? Halkii qalinley laga raadin lahaa ayaa la doorbiday in lagu naas-nuujiyo cid lala raba xannaano, xigtaysi iyo xantoobo. Hakadyada lagu dirqiyay meel joogsi ahayn, weedhaha xidhiidhsan ee joogsiyada aan meesha qabannin lagu soohdimeeyay, hadallada furan ee dhinac kolmuhu ka xigaan, dhanka kalena aan la soo xidhin, hadallada xigashada ahaa ee kolmo la’aan la adeegsaday, meelaha ay astaanta weyddiintu geli lahayd ee laga illaaway iyo qaar kale ayaa judhaba indhuhu qabanaan. Inta joogsi la dhigo ayaa halka ku xigtaba xaraf lagu qorayaa, waxa ka mid ah dunida.Isaga, gabayga.Arrimaha, Af-hindi. Waxa iyo qaar kale oo badan.

Maaddaama oo buuggani ka mid yahay jaalkayga nololeed iyo dhiganeyaasha aan wax ka dhigo, qallooca ku jiraa wuu igaga saamayn badan yahay diiwaan aan mar, laba iyo saddex akhristo. Waa gef maalin walba ii muuqda, oo taabanaya intaas oo bare iyo barte, haddii qalinkeenna iyo tifaf-tir lagu tahli waayay, toosh baa lagu qabanayaa. Sidaas awgeed ayaan daaddifayntiisa ugu soo qaadan doonaa dhawr qormo haddii Alle idmo. 11 cutub oo ku ka kooban ayaan si mug leh u faaqidi doonaa!

Naqdiga gogol-dhigga buugga iyo cutubka kowaad

Qoraa Cabdinaasir Axmed Ibraahin ayaa horraantii 2017ka ii sheegay in uu 1400 gef-qoraal ka helay laba ka mida buugaagta fasallada ee dugsiga sare. Haddii aynu ka soo qaadno in buuggiiba yahay 200 bog, waxa mid kasta ku jira 700. Waxa ay noqonaysaa in xaashi kasta ay ku jiraan 3.5 gef. Bal ka warrama?. Waxa aan leeyahay Cabdinaasir wuu la saayiray, gacantii ugu hoosaysay ayuu ugu dhuftay.

Marka lagu gudbo magaca buugga, xuquuqda qoraalka, mahad-naqa, hordhac iyo tusmada, waxa aad gelaysaa xaashiyo indhuhu diidayaan habka loo qoray. Bal fiiri tira-koobka aan ku sameeyay bar-bilawga dhiganaha:

ü Bogga kowaad oo lagu qoray “Gogoll-dhigga buugga” waxa aan keligii ka tiriyay 25 gef oo higgadda iyo astaamaynta ah

ü Bogga labaad waxa aan ka soo saaray 19 ah gacanta ugu hoosaysa

ü Bogga 3aad waxa aan ku arkay 23 gef oo saayiraad weyn leh

ü Bogga 4aad waxa lagu daabacay 15 gef oo xagga qoraalka ah

ü Wadartu waa 82 gef oo 4 bog ku jira!

Isla bogga 4aad waxa ku jira gabay uu Abwaan Dhoodaan curiyay oo ku saabsan dhirta. Afar iyo toban meeris oo la soo qaatay saddex ka mid ah ayaa ku fadhiya in sadarka gabayga loo qaybiyo hojis iyo hooris, halka kow iyo tobanka kale ay yihiin qaar si dareersan isaga qoran.

Ereyada gurracan ee ku jira waxa ka mid ah kuwa aan ku qoray dhinaca midig ee qoraalkan hoose ee kuu muuqda, kuwa hore si sax ah ayaan u qoray, kuwa dambe fiiri:

1. Owen: Ownen, Awen

2. Jaamacadda: Jamacada

3. Carabiga: carabiga

4. Ruush: ruush

5. Hindida: hindida

6. Soomaaliga: soomaaliga, somaligu, soomaliga, Somalida (gef in badan soo noqnoqday)

7. Aqoonyahannadu: aqoon yahanadu

8. Sida: sidda

9. Arrintaasi: Arrintaassi (S: Miyay ku jirtaa xarfaha labanlaabma?)

10. Qotada: qotadda

11. Dhallinyarada: dhalinyarada

12. La’aan: la aan

13. Barashada: Barrashada

14. Habboon: haboon

15. Isbixin: isbbixin

16. Horraysa: horaysa

17. Qoraallada: qoraalada

18. Afkeenna: afkeena

19. Dabeecadda: dabeecadda

20. Farsamada: farsamadda

Bogagga shanaad iyo lixaad waxa ku dhigan qeexitaanka suugaanta iyo maansada oo lagu soo dhigtay fasalladii 1aad, 2aad iyo 3aad. In erey isku mid ah lagu baro afar sanno oo isku xiga maxaa laga dheefayaa?. Labadan bogna gefkii hore oo kale ayaa ceegaaga “raacatida, halayn, suugeen, naacow, soomaalidii, baaxdda, seddex mise saddex, horeeeyaa, Illaahay, imisa, soomaliga, addoomihiisana” iyo qaar kale ayaa tif ah. Wadarta gefkoodu waa 23, taas nuxurkeedu waa in aan lix bog ku haynno 105 gef. Ma cudurdaar iyo qiil ayaa loo samayn karaa?. Marka laga yimaaddo dulucda, iyo gefka aqooneed ee ku jira, waa diiwaanka ugu gefka badan 12ka buug ee heerarka manhajka dugsiyada ku jira.

La soco qormada 2aad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

siciidgahayr@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this