Sign in to follow this  
Deeq A.

20 Shabaab ah iyo qaraxyo ‘lagu qabtay’ MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta waxa uu faah-faahin ka bixiyey howgallo sacadihii lasoo dhafay ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Howgaladaas ayaa sigaar ah uga dhacay xafadaha kala ah Xoosh, Ciisa-Cabdi, Suuqa-Xoolaha, oo ka kala tirsan degmooyinka Deyniile, Hiliwaa iyo Wadajir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdsho, sida uu shaaciyey maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay intii ay socdeen howgalladaas in lagu soo qabtay 23-qof oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay badankood lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in degmada Yaaqshiid ay xalay ciidamada ammaanku ku dileen mid ka mid ah seddax nin oo qarax ku aasayey wado ay isticmaalaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Yaaqshiid.

Hoos ka dhageyso codka Afhayeenka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/saalax-dheere-8.mp3

The post 20 Shabaab ah iyo qaraxyo 'lagu qabtay' MUQDISHO first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this