Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah, taas oo uu uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashada iyo safarkiisa magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday sababihii isaga iyo Deni ay uga baaqdeen shirkii Dhuusamareeb 3, wuxuuna tilmaamay inay tabasho xoogan ka qabeen fulin la’aanta waxyaabihii ka soo baxay shirarkii koowaad iyo labaad ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in iyaga oo ku sii jeeda caasimadda Galmudug, si ay ugu biiraan shirka la soo xiray, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in xal mideysan laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, siiba arrimaha doorashada ee 2020/21.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in haatan ay ku ballaameen in la ballaariyo shirka wada-tashiga Muqdisho, si ay ugu soo biiraan madaxda kale ee dowlad goboleedyada, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli uusan si rasmi ah u furmin shirka wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo dowlad goboleedyada, balse waxaa la filayaa in shirka la sii amba-qaado maalmaha soo socda, si go’aan mideysan doorashooyinka 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this