Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku rasaaseeyey magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa galabta dad shacab ahaa ku rasaaseeyey qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi qarax lagula eegtay xaafadda Suuqa Xoolaha, kadibna ay rasaas xoogan fureen taas oo geysatay khasaare.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay rasaastaasi, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Sidoo kale waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha ka billowday falkaasi kadib rabshado ay sameynayaan dadka shacabka ah oo si weyn uga carooday dhacdadaasi.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this