Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo Al-Shabaab kala wareegay bar ay lacagaha ku qaadi jireen

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo deegaanka Jannaay Cabdalla oo qiyaastii 60 KM u jirta magaalada Kismaayo waxaa la wareegay ciidamada Jubbaland iyagoon wax dagaal ah kala kulmin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Deegaanka Jannaay Cabdalla ayaa ahaa fariin muhiim u ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxeyna gaadiidka isticmaala wadadaas ee u kala goosha deegaanada Jubbooyinka lacago uga qaadi jireen.

Ciidamada Jubbaland ayaa si aan dhib laheyn ula wareegay deegaanka, waxaana hadda jira dhaq-dhaqaaq ay ciidamada ka wadaan isla deegaankaas.

Al-Shabaab waxey baacsi kala kulmayaan ciidamada Jubbaland oo dhinac ah, ciidamada Mareykanak ee hoos yimaada taliska Africom iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa la kordhiyay weerarada iyo beegsiga lagu hayo taasna waxaa ka dhashay iney sii yaraanayaan goobaha ay Jubbooyinka uga sugan yahiin.

The post Ciidamada Jubbaland oo Al-Shabaab kala wareegay bar ay lacagaha ku qaadi jireen first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this