Deeq A. Posted September 4, 2020 Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta ku shigeen rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo xalay weerar ku soo qaaday saldhigyada ciidamada ee ku yaalla duleedka degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/ Hoose. Ragga la qabtay oo aan tiradooda la shaacin ayaa lagu soo warramayaa in loo gudbiyey saldhigga degmadaasi, halkaasi oo lagu weydiinayo su’aallo dheeraad ah. Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Afgooye ayaa sheegay inay ka war-hayeen qorshaha weerarka lagu soo qaaday, balse ay ka hortageen. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites