Deeq A. Posted September 4, 2020 Xildhibaan Daahir Amiin (Jeesow) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka inuu xabsiga dhigo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Jeesow ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tix-geliyo codsigiisa, islamarkaana uu xiro Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho. “Mudane Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xidhibaan Jeesow oo si weyn uga soo horjeedo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xildhibaanku inay dacwad ka taallo, islamarkaana uu dad badan dilay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si xaq-darro ah ku heyso xil-ka, islamarkaana uu cadaallad darro ku hoggaaminayo maamulka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites