Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo shaaciyay in Dowladda Puntland ka guulaysatay Al-shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Dani.jpg?resize=960%2C738&ssl=1

Madaxweyne Siciid Deni,  oo Maanta warbixin siiyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in Dowladda Puntland ka guulaysatay Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu sheegay in hawlgallo kala duwan oo Ciidamada Puntland ka fuliyeen Buuraleyda Gobolka Bari, ay ku guulaysteen in fariisimahooda ugu tegaan Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana qaarkood la laayay, halka qaar kalena nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale, wuxu xusay in  si buuxda loo xaqiijiyay Amniga Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaanna Boosaaso iyo Gaalkacyo oo marar qaar ay ka dhici jireen falal amni-darro kuwaas oo ay gaysan jireen Al-shabaab iyo Daacish.

Heshiiskii dhexmaray Puntland iyo Galmudug, ayuu sidoo kale tilmaamay in uu horseed u noqday wada-shaqaynta labada dhinac ee ku aaddan Amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, maadaama meesha laga saaray mad-madowgii ka dhex jiray labada maamul.

Hoos ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo shaaciyay in Dowladda Puntland ka guulaysatay Al-shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this