Sign in to follow this  
Jacaylbaro

JACEYLKU MA DHAB BAA MISE WAA DHALANTEED?

Recommended Posts

“Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro” Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waa…Dhalanteed? Ma Cudurbaa mise waa.. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay?

 

Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed.....?

 

Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. “Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata” Ayuu uurka ka yiraahdaa.

 

Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan “Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay” Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan “Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray”.

 

Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa?. Tani maba’aha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, “Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay” uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa “Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale” Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa.

 

Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene.

 

Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu ma’ihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:“Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho la’aan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan.

 

Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:“Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta” Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa “Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa” goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba ma’ahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEH……Sidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aamisni jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Jacaylbro, you have been affected with love that is gr8 man :D . By the way, what love, can you explain ? if its a virtual love. I may give you lots of ways to tackle. And, Im sure, you fell in love with your PC or Computer ;) . Here we go, you got to sing this song :D

 

Jacaylka kaa Gala Computer-ka

Hadii laga gubo Somalia on line

Dawada lama gaadhaayo

Geed dheer bay saarantahay

 

We will finish the rest dee ;) Caashaq waa nimco iyo nus!

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooooooooooooooool@heesta :D:D:D:D

 

 

Walaaaaaaaaahi waad iga qoslisay ,,,,, hahahaha

 

 

Jacaylka kaa gala SOL

Hadii laga gubo hunguri

dawada lama gaadhayee

gujis bay u baahan tahay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Waaryaahee, Xaalkii Gujis ayuu marayaa lool. That must be at a high level. Anyhow, there you go. You have been so close to the technology man;). What else more than this, do u do ? loool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hayaay ,,,, dee wax walba in halkan lagu soo bandhigo maahee ,, maqaaxidii aw cali geedi ha inoo ahaato ,,,, halkaasaynu ku faqiye :D

 

 

And how was your jacayl horta ?? i mean the one in dhibay in 1987kii , ???

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Yeah Jacaylbro :D , shir looma wada uunsiyo. The Jacayl back in 1987 was eaten by a wolf ;) . Though, I still compose many songs about my first love. The last one, is the one sang by Mr Shay Mire Dacar in title of "Aaminaay waa lagu sitaa" :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is a difference between love and love.

 

The first appeals primarily to the chemical reactions that initially arise and the second love is defined as the more down-to-earth, less volatile, emotionally soothing and stable love that ultimately makes or breaks if a prospective marriage is to go through or not.

 

Now make a self-diagnosis and see which of those two stages your currently in. I think your in stage one still so don't bet the ranch on this woman and for goodness dont buy her any diracs and dahab just yet!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this