Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo Muqdisho ka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed , ayaa sida la sheegayo ku wajahan Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka furmi doono Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Xarunta Madaxtooyada Muqdisho, waxa Maanta kulan gaar ah ku yeelanaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland&Jubaland, waxaana Kulanka looga hadlaya Xallinta iyo Tuxaan-bixinta Tabashada Labada Maamul ka qabaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada.

Kadib Kulanka gaar u ah Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe, waxaa la filayaa in uu Muqdisho si rasmiya uga furmo Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga tashanayo Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Mowduuca Shirka ayaa noqon doona Turxaan-bixinta iyo Xoojinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada soo socota.

PUNTLAND POST

The post Shir u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo Muqdisho ka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this