Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Deni oo maanta la kulmaya Madaxeweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta kulan gaar ah ay la qaatan Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xiisada u dhexeysa dhinacyadaasi, gaar ahaan tabashada ay qabaan Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa kulanka diirada lagu saarayaa arrimaha doorashada 2020/2021 iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Beesha caalamka ayaa gadaal ka riixeyso dadaalka haatan socda ee lagu doonayo in xal mideysan lagu gaaro magaalada Muqdisho.

Xaaladda siyaasadeed ayaa ah mid cakiran, iyadoo haatan lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana la’isku diyaarinayo doorashada 2020/2021.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this