Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe: MW Farmaajo wuxuu raadinayaa Ra’iisul wasaare gadaal Indho ku leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaboolshe oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Villa Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in Farmaajo uu meel uga dhacayo Mogadishu Clan, islamarkaana ay haatan beeshu ka maqan tahay miiska siyaasadda iyo talada dalka, maadaama uusan muddo bil ka badan magacaabin Ra’iisul wasaarihii bedali lahaa Mudane Xasan Cali Khayre.

“Kursiga Raii’sul Wasaaruhu waa banaan yahay micnaheedu Mogadishu Clan ayaa miiska siyaasadda iyo talada ka maqan.” ayuu yiri taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta uu Madaxweynuhu magacaabis u samey la’yahay ay tahay inuu raadinayo Ra’iisul wasaare gadaal leh Indho ku leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa uu madaxweyne Farmaajo raadinayaa Raisul Wasaare gadaal indho ku leh.” ayaau sikaftan leh markale u yiri Sanbaloolshe.

 

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan bil ka badan Madaxweynaha Soomaaliya ay ku qaadatay magacaabida Ra’iisul wasaaraha, waxaana dalka ka taagan caqabado badan oo isku xiran sida amniga iyo u diyaar garoowga arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.

The post Sanbaloolshe: MW Farmaajo wuxuu raadinayaa Ra'iisul wasaare gadaal Indho ku leh first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this