Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo ka dhacay Baar-sanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidanka-jubba.jpg?resize=640%2C379&ssl=Ciidanka Jubaland

Wararka ka imaanaya Degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa ku warramaya in halkaasi uu saaka ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Jubaland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii Al-shabaab ay Subaxnimadii hore ee Saaka weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubaland ay ku leeyihiin Degaanka Baar-sanguuni, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, oo mudda saacado ah halkaasi ka socday, iyadoo Jubaland iyo Al-shabaab aysan midkoodna weli ka hadlin khasaaraha Dagaalkaas.

Sidoo kale, waxa adag in warar madax-bannaan laga helo Khasaaraha Dagaalka, maadaama ay adagtahay Isgaarsiinta Degaanka lagu dagaallamay.

PUNTLAND POST

The post Dagaal xooggan oo ka dhacay Baar-sanguuni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this