Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gedo oo ugu baaqay ciidanka wasiir Janan inay isa soo dhiibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay 2 bishii Maarso ee sanadkan 2020 magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib markii uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay iyaga iyo Xoogag daacad u ah maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa la soo afjaray kaddib markii “looga adkaaday” ciidamada Jubbaland, kuwaas oo uu hoggaaminayay wasiirka amniga ee maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Janan.

Tan iyo xilligaas magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo waxa gacanta ku hayey ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, ahna madaxda siyaasada ee gobolka Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) ayaa sheegay in ciidaamada wasiir Janan ay dib ugu soo laaban karaan magaalada, iyaga oon aan wax dagaal ah wadin, lana soo dhaweyn doono.

Ciidamada wasiir Janaan ayaa tan iyo waqtigaasi ku dhuumaleysnayay xadka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dagaal looga saaray degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this