Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday J/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarado dagaal ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay duqeymo la beegsadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey weerarkaasi dhanka cirka ah, isaga oo shaaciyey in lagu khaarijiyey saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Injineer Cabdi Xuseen ma shaacin magacyada saraakiisha duqeynta lagu dilay iyo tiradooda saxda ah.

Maalmihii u dmabeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this