Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Afar Shardi oo lagu xiray keenista Qaadka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay shuruudo adag ku xirtay in dib loo bilaabo Jaadka (Qaadka) Soomaaliya looga keni jiray Kenya, kaas oo loo joojiyay sababo la xiriira COVID-19, iyada oo shuruudahaas u gudbisay dowladda Kenya.

Sida uu daabacay Wargeysa ka hadla arrimaha Ganacsiga ee Business Daily iskaashatada Qaadka ee degaanka Nyabene xubno ka socday ayaa yimid magaalada Muqdisho, si ay dowladda Soomaaliya ugala hadlaan in xayiraada laga qaado Haadka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay ku xirtay shuruudo ay ka mid yihiin.

1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya
3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.

 

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin uu sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida Qaadka, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this