Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Abiy Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa Maanta gaadhay Magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Abiy kusoo dhaweeyay dhiggiisa Suudaan Cabdalla Xamduun iyo Madax kale oo ka tirsan dalkaas, waxaana loo gadbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ahaan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduun, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo Arrimo kale oo ku aadan xaaladda Gobolka.

Sidoo kale laba Ra’iisul Wasaare ayaa ka hadlay muran u dhexeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaasi oo salka ku haaya biyo xireenka webiga Niil, waxaana RW Xamduun uu sheegay in la sii wadi doono wadahadalada ku saabsan biyo xidheenka webiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this