Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Suuqa degmada Wanlaweyn iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Suuqa degmadaasi, xilli uu mashquul ahaa, islamarkaana ay ka dukaameysanayeen dad badan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ku dhowaad 5 qof oo dhamaan ah dad shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa suuqa.

Ma cadda bartilmaameedka iyo ujeedka laga lahaa weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee uu ka soo khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee degmadaasi.

Wanlaweyn ayaa waxaa horey uga jiray colaad-beeleedyo saameeyey nolosha magaladaasi iyo deegaanada ku xeeran, inkastoo hadda xal horudhac ah laga gaaray xiisadahaasi.

The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Suuqa degmada Wanlaweyn iyo khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this