Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howl-gallo ka bilaabay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka bilaabay gudaha magaalada caasimadda  ah ee Muqdisho.

Howl-gallada ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali.

Sidoo kale afhayeenka ayaa u mahadceliyey ciidamada ammaanka oo uu sheegay inay si wanaagsan ay u wadaan howl-gallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasto oo halis ku ah nabad-gelyada.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dmabeeyey weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee M/ Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this