Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Siciid Deni oo qorshe cusub billaabay kaddib heshiiskii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo aan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa haatan bilaabay qorshe cusub iyo la tashiyo ku aadan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021.

Siciid Deni ayaa xalay kulan is-xog wareysi ah xalay la qaatay ururada bulshada rayidka, madaxda ururada siyaasadda, aqoonyahanada iyo waxgaradka Puntland.

Ugu horreyn m adaxweynaha ayaa la wadaagay dhinacyadaasi shirkii Dhuusamareeb 3, kaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo  arrimaha doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu  dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay oo  muujiyay sida ay Puntland ugu garab taaganyihiin marwalba arrimaha gudaha iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warka soo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu faah-faahiyey kulankaasi oo ahaa mid saacado qaatay.

Shalay ayey aheyd markii Madaxweyne kulan kan la mid ah uu qaatay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland oo isna looga hadlay doorashada 2020/21.

Puntland ayaa meel adag iska taagtay heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, iyada oo garabsanaysa Jubbaland, waxaana qaadaceen natiijadii ka soo baxday shirkaasi.

118149895_986259398454247_84498822480557 118152307_986259595120894_36616862110206 118187641_986259795120874_18487856963591 118244996_986259725120881_58397061404405

The post Sawiro: Siciid Deni oo qorshe cusub billaabay kaddib heshiiskii Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this