Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Amniga Gobolka Bari oo Qodoba laga soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   
3-12.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Guddoomiyaha Gobolka Bari ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabad Galyada Gobolka mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta waxa uu shir Guddoomiyay shirka Golaha Aminga Gobolka Bari oo la qaban jiray isbuuc Walba shirkan ayaa waxa ka soo qeyb galay Dhammaan Guddoomiyasha Dagmooyinka Gobolka Bari Iyo Saraakiisha laamaha Amaanka Gobolka Bari.

shirkan ayaa waxa ka soo qeyb Galay Wasiir ku-xigeenka Wasarada Tamarta Macdanta Iyo Biyaha Dowladda Puntland Mudan Axmed Siciid Qaloonbi, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulaahi Ciro, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ee Gobolka Bari Mudane Ahmed Xaaji Maxamud, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud.

Ujeedka Shirka ayaa ahaa Dar-dargalinta Howlaha shaqo ay hayaan Guddoomiyasha Dagmooyinka Iyo Lamaha Amaanka shirka intii uu socday ayaa waxa laga soo saaray 5-aad qodob oo muhiim u ah Hormarka Gobolka Bari waxaana ka war-bixiyay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Mudane Ahmed Ali Cabdulaahi Ciro.

1- Xoojinta Amniga Iyo la dagaalanka Kooxaha Nabad Diidka ah.

2-Wada shaqeeynta Hayaddaha ka Howl-gala Gobolka Bari.

3-Xoojinta la dagaalanka kufsiga Iyo Wax Yaabaha maanka dooriya.

4-Dabar-goynta Ayaxa xaalufinaya Deeganadda Gobolka Bari.

5-Dhiiraglinta Iyo Garab istaaga ciidanka Difaca Dowladda Puntland.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa intii uu socday shirka ka hadlay waxa uuna Guddoomiyasha Dagmooyinka Gobolka Iyo Lamaha Amaanka ku dhiiragaliyay shaqada ay u hayaan Bulshada Iyo sidii looga shaqeyn lahaa nabad galyada Iyo Hormarka Gobolka Bari.

Halkaan hoose ka eeg Sawirada

  • 1-26.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 2-16.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 3-12.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 4-10.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 5-9.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 6-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 7-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 8-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1
  • 9-7.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shirka Amniga Gobolka Bari oo Qodoba laga soo saaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this