Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa U Qabsoomay Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Mudada Uu Xilka Hayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qormadan waxan kaga hadli donaa qayb ka mid ah hamigii iyo himilooyinkii  usuura galay wasiirka diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda somaaliland ,Mudane ,Sh.Khaliil Cabdillaahi Axmed.

waxqabadku   wuxu ka curtay  bilawga magacaabista labadii madaxwayne ee ukala dambeeyay xukunka dalka oo ucugtay wasaaradda diinta iyo awqaafta  shakhsi  ku sifaysan kuna suntan :dadaal ,dulqaad ,dadnimo iyo daacadnimo ay dayr utahay daboolidda baahiyaha iyo dardar galinta shaqada hoostaal  wasaaradda.

Mudadii wasiirku joogay wasaaradda wuxu  ku talaabsaday waxqabad  baaxad leh  oo bulshadu majiiratay mahadisayna  ,waxa ka mid ah:-

wasiirku wuxu galiyay fikir, dadaal iyo juhdi  badan siday wasaraddu uheli lahayd dhisme bilicsan oo uqalma wasaaradda, maadaama ay tahay wasaaradii diinta iyo awqaafta jsl allena waa ku guuleeyay.

wasiirku wuxu ku talaabsaday  qotaminta qaabdhismeeka   waaxaha  wasaaraddu ka koobantahay iyo kor uqaadida shaqada.

wasiirku wuxu kor uqaaday madaarista quraanka iyo macalimiinta ka hawl gala  yadoo wasaraddu usamaysay tababarro iyo tayayn kor loogu qaadayo aqoonta macalinka quraanka.

wasiirku  wuxu wax ka qabtay  kuna guulaysatay soo afjaridda khilaafaad  salka ku hayay hogaanka  guddida wanaag farista iyo xumaan reebista  sanadkii 2018.

wasiirku wuxu  u magacaabay  gobolada iyo degmoyinka  isku duwayaal  firfircoon  taas oo ka dhigtay adeega wasaaradda  diinta iyo awqaafta mid muuqata.

wasiirku wuxu hoos udhigay khilaafaadkii culimada udhexeeyay , islamarkaasna wuxu  abuuray  jawi  Isfahan ku dhisan oo lagaga  fogaanayo khilaafaadka baahsan ee  ragaadiyay culimada dhexdeeda iyo wada shaqaynta walaalnimo.

Wasiirku wuxu manhaj midaysan usameeyay dhammaan madaarista qur’aanka kariimka ah ee dalka oo dhan ,arintaas oo bulshada iyo barayaasha qur’aankuba  kala kulmeen  qabuul.

Wasiirku wuxu kor uqaaday xidhiidhka masaajidada dalka iyo waaxda masaajidada.

Qodobadaasi Waxay Ka Midyihiin Waxqabadka Balaadhan Ee Wasaaradda  Diinta Iyo Awqaftu  kutalaabsatay xiligan uu gadhwadeenka  ka yahay sh.khaliil.

Ugu dambayn : alle haku garab galo waxqabadka togan tusaalaha muuqda u ah waxqabadka wasiirka diinta iyo awqaafta Jsl.

Qalinkii :maxamuud cabdi yuusuf cige (tawakal)

Xidhiidh :063-4042101/065-4042101

Email:maarshaal81@gmail.com

Date:22/8/2020

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this