Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo taageertay heshiiska Mucaaradka iyo dowladda Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in dowladda federaalka ay taagereyso heshiiska ay gaareen dhinacyada ku dagaalamaya dalka Liibiya, gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda dalkaasi.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in shacabka Liibiya ay dan ugu jirto midnimada iyo wadajirka, loona baahan yahay in la sii waddo wada-hadallada.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u soo dhoweyneysa “is afgarad muhiim ah” oo ay ku dhawaaqday Dowladda Heshiiskii Qaranka ee Dawladda Liibiya iyo Golaha Wakiillada bishii Agoosto 20″ ayaa lagu yiri Warka dowladda.

U jeedada ayaa ah  xabbad-joojin deg-deg ah, joojinta dhammaan hawlgallada millatari ee dhammaan dhulalka Liibiya, iyo in la dhaqaajiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee waddanka si loo gaaro. Xal waara oo rasmi ah oo lagu soo afjaro dagaalka iyo iskahorimaadka, iyo in la helo nabadgelyo iyo xasillooni loogu sameeyo dadka walaalaha ah ee reer Liibiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa bayaankan inuu yahay tallaabo sax ah oo wax ku ool ah oo loo qaaday jihada saxda ah, waxayna ugu yeereysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Liibiya inay u hoggaansamaan una fuliyaan dhulka si loo ilaaliyo midnimada iyo dowladnimada loona wada shaqeeyo wadajirka iyo wada noolaanshaha gargaarka Qaramada Midoobay ee ku xiritaanka bogagga muranka iyada oo la oggolaado isafgarad” ayaa mar kale lagu yiri Warka dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this