Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo xoojisay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay xoojiyeen maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka amniga maamulkaasi, Axmed Macalin Fiqi oo booqday furumaha dagaalka ayaa sheegay in u jeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyey maleeshiyaad deegaanka ah oo dhankooda dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.

Fiqi ayaa dhinaca kale ugu baaqay dhalinyarada weli ka bar-bar dagaalameysa Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, isaga oo abaal marin u ballan qaaday, haddii ay hub la soo goostaan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii laba jibaarayaan ka maamul ahaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this