Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Calamka oo A/Madoobe iyo Deni ku qancisay shirka Dhuusamareeb 3

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha caalamka ay ku qancisay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland inay ka qeyb-galaan wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa lagu soo warramayaa inay cadaadis ku saartay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni inay ku biiraan shirkaas oo habeen ka hor ka furmay Dhuusamareeb.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi ku daraya in maalmaha soo socda Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ay tegayaan Dhuusamareeb.

Caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa horey u joogay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug oo marti loo yahay iyo duqa magaalada Muqdisho.

Madaxdaas oo yeeshay kulamo gaar-gaar ah ayaa waxa ay ka wada-hadleen caqabadaha hortagaan shirkaas iyo sida looga gudbi karo.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this