Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howgallo-gal ciidamada ammaanka ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Maamulka degmada Beledweyne ayaa sheegay in u jeedka baaritaanadaas ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amniga.

Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay inay sii socon doonaan howl-gallada inta laga xoojinayo amniga Beledweyne.

Maalin ka hore ayey aheyd markii qarax khasaare geystay uu ka dhacay afaafka hore garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this