Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxa oo shaaciyey in laga gaabiyey u gurmashada shacabka Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan degmada Afgooye iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Sh/Hoose, kadib markii uu ku fatahay webiga Shabelle.

Dalxa ayaa shaaciyey in weli gurmad ku filan aysan helin shacabka ku dhibaateysan gudaha magaaladaasi iyo kuwa ku soo barakacay duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin lacagtii ay u ballan qaaday  dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay degmada Afgooye.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda, hay’adaha Samafalka iyo cidkasta oo wax heysata inay ka qeyb-qaadato u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this