Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Hambalyo U Diray Shacabka Somaliland Iyo Shucuubta Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1442-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Khamiis ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka 1442-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this