Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Boqolaal shacab ah oo dibad-bax ka dhigay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta dibad-bax ballaaran uu ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ay dhigeen boqolaal shacab ah.

Banaan-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday fal Kusfi ah oo la sheegay in loo geystay wiilal yar-yar oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa watay sawirro iyo boorar ay ku xardhanaayeen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin falkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay soo dhoweynayaan go’aankii Koonfur Galbeed ee lagu toogtay laba nin oo la sheegay inay qirteen Kufsigaasi.

Caruurta la waxyeeleeyey ayaa mid ka mid ah uu geeriyooday, halka kan  kalena haatan la soo warinayo inay liidato xaaladdiisa caafimaad.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

2-10 1-11

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this