Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooxada Geerida Halkay ku taalaa? Waase sidee Nolosha Goobta ugu kulul caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dooxada Geerida: Waa sidee Nolosha Goobta ugu kulul caalamka?

Brandi Stewart oo hortaagan goob heer-kulka uu gaaray 130F
Brandi Stewart oo hortaagan goob heer-kulku uu gaaray 130F

“Waxaan u malaynayaa in dhammaanteen uu dulqaadkii naga dhamaaday, marka la eego heerka uu kuleylka gaarsiisan yahay ,” ayay tiri Brandi Stewart, oo ka shaqeysa dooxada beerta geerida geerida ee ku taalla gobolka California.

“Markaad dibadda uga baxdo waa sida in wajiga lagaaga dhuftay oo kale mashiinta timaha lagu qalajiyo.”

Maalintii Axadda, ayaa ahayd wax noqon kara maalinkii ugu kuleyl badnayd ee la diiwaangaliyo taasi oo uu heer-kulka gaaray 130F (54.4C),waana goob dooxo iyo godad ah oo ku taalla xudduuda Nevada.

Hasa yeeshee, sawirka Brandi’ ayaa ah calaamad muujinasa in heer-kulku yahay mid aad u sareeya.

Ururka saadaasha hawada ee caalamiga ah ee loo soo gaabiyo (WMO) ayaa sheegay in wali ay xaqiijinayaan heer-kulka aadka u sareeya ee la diiwaangaliyay.

Balse Brandi uma baahna khubaro u sheegta inta uu laa egyahay kuleyka.

Waxay ka mid tahay boqolaal qof oo goobtani ay hoy u tahay kuna tilmaamay inay tahay “goobta ugu kulul caalamka “.

Ms Stewart ayaa ku nooleyd dooxada geerida muddo 5 sano ah, iyada o dhanka isgaarsiinta u qaabilsanayd beertani lagu xanaaneeyo duurjoogta.

 

“Aad ayay u kulushahay islamarkana sheyga kali ah ee muddo igu qaatay inaan la qabsado ayaa ah in jirkaagu uusan dareemayn dhididka sababtoo ah markiiba wuu sii anagagayaa ,” waxay sidaasi u sheegtay BBC.

“Waad ka dareemaysaa dhididka dharkaaga. laakiin kama dareemaysid dhididka jirkaaga sababtoo ah markiiba qoraxda ayaa qalajinaysa “. ayay intaa ku dartay

Boor lagu dhajiyay Badwater Basin oo ku taalla Death Valley National Park
Boor lagu dhajiyay Badwater Basin oo ku taalla Death Valley National Park

Ms Stewart ayaa sheegtay in inta badan xilliyada xagaaga la joogo gudaha, balse dadka qaar ay aadaan buuraha halkaasi oo oo yaraha qabow.

Marka ay timaado dhanka hurdada, dadka waxay isticmaalaan qaboojiyayaal guriyahooda ka dhiga kuwa qabow inta ay korantada joogto.

Waa arrin walaaceda leh marka qof waliba uu isku dayo in gurigiisa uu noqdo mid qabow marka ay qoraxda ay aad u soo kululaato.

Magaaladan ayaa waxay ku taallaa goob sida wadiiqo yar oo kale ah waxayna heerka badda ay ka hooseysaa 280 feet.

Waxaa ku hareeraysan buuro aad u sareeya.

Jason Heser, oo horey ugu noolaan jiray Minnesota, ayaa imika ku nool Furnace Creek islamarkana waxaa uu ka shaqeeyaa goob lagu ciyaaro ciyaarta Golofka .

“Labo jeer ayaan Ciraaq tagay , haddii aan Ciraaq u dulqaadan karo, waan u dulqaadan karaa dooxada geerida,” waxaa sidaasi yiri Heser oo horey uga tirsanaa militariga Mareykanka.

Jason Heser
Jason Heser ayaa ku noolaa Furnace Creek tan iyo bishii October 2019

Waxaa goobtan Golofka lagu ciyaaro ka shaqeeyaa 05:00 ilaa 13:00.

“Waxay nagu yiraahdeen marka ay aad kuleyl u noqoto sida imika oo kale, bilaaba shaqada 4 galabnimo” ayuu yiri Heser.

Balse 4 galabnnimo xitaa wali heer-kulka qoraxda waa mid gaaraya 100-105F (37.7-40.5C),” ayaa yiri.

Biyaha goobtaasi laga cabo waxay ka soo burqadaan il dabiici ah oo dhulka hoostiisa ku taalla.

Mr Heser waxaa uu qeyb ka yahay kooxda gacanta ka geysata sidii goobtaasi lagu ciyaaro ay xaalad wanaagsan uga jiri lahay.

“Maalin kasta wax ayaan jarnaa , anaga oo qurxinayna godadka kubbadda lagu rido, ayuu yiri

“Waxaan maalin kasta gurnaa geedo soo dumay sababtoo ah waa kuwa ay qoraxdu qalajisay.”ayuu intaa ku daray.

Mr Heser ayaa goobtan yimid bishii October 2019 islamarkana waa mid jecel shaqadiisa.

Waxaa uu qorshaynayaa in uu halkaasi joogo muddo sanooyiin ah.

Mr Heser oo ka shaqeynaya goobta lagu ciyaaro ciyaarta Golofka
Mr Heser oo ka shaqeynaya goobta lagu ciyaaro ciyaarta Golofka

Xilliga uu fasaxa yahay waxaa uu jecelyahay in uu ciyaaro ciyaarta Golofka, balse waa in uu bilaabaa ciyaarta 7 aroornimo si uu uga gaashaanto kuleylka saacadaha dambe ee maalinkii.

Kuleyka Axaddii aanu soo dhaafnay ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa maalinkii ugu kuleyka badnayd ee la diwaangaliyo.

Waxaa jira labo Rikoor oo dhanka kuleylka ah oo caalamka la diiwaangliyay- mid waxaa sanaddii 1913 laga diiwaangaliyay Furnace Creek waxaa uuna heerkulka gaaray- 134F (56.6C) – halka midka labaad laga diiwaangaliyay dalka Tunisia 1931 waxaa uuna ahaa- 131F (55C).

Balse khubarada cimilada ayaa diiwaangalintaasi muran ka keenay.

“Seynisyahanada xilligan casriga ah iyo khubarada saadasha hawada ayaa sheegaya in labadaasi heer-kul ee la diwaangaliyay ay ahaayeen kuwa ana sax ahayn,” waxaa sidaasi sheegay wariyaha BBC ee dhanak saadaasha hawada Simon King.

Dooxada geerida
Dooxada geerida

Waa sababta kuleylka la diiwaangaliyay Axaddii haddii la xaqiijiyo ay ugu tilmaameen khubarada Mareykanka kii ugu sareeyay ee ay diiwaangaliyeen “ilo diiwaangalin oo lagu kalsoonaan karo “. .

Hay’adda saadaasha hawada ee Caalamka ee loo soo gaabiyo WMO ayaa dhankeeda sheegtay in arrintan ay xaqiijinayso islamarkana haddii la xaqiijiyo ay u diiwaangalin doonto in uu yahay kuleyka soo gala kaalinta saddexaad, sababtoo ah waxay taagan yihiin mowqifka ah inay kaalimaha kowaad iyo labaad ku jiraan kii laga diiwaangaliyay 1913 magaalada Furnace Creek sanaddii 1931 kuleykii laga diiwaangaliyay Tunisia , iyada oo ay jirto shaki laga muujinayo labadaba.

Waxaa sidoo kale lagu dooday inay jiri karaan meelo kale oo ka kulul dooxada geerida ,balse khubaro darista cimilada aysan ogeyn sababo la xiriira in aysan goobahaasi lahayn xarumo diiwaangaliya.

Ilaa iyo imika , Furnace Creek ayaa ha goobta ugu kulul caalamka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this