Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kordhiyey amni darrada gobolka Gedo, kadib la wareegitaanka dowladda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online ) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolka Gedo, gaar ahaan qaraxii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.

Fartaag ayaa sheegay in falalka amniga darrada, sida weerarada iyo dilalka qorsheysan ay  ku kordheen gobolka Gedo, tan iyo markii ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan markii degmooyinka gobolkaasi la geeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Senator-ka oo tusaale u soo qaatay qaraxii maalin ka hore ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegay in ku dhowaad 12 sano oo ay gacanta ku hayeen degmadaas ciidamada maamulka Jubbaland uusan ka dhicin hal qarax, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay falkaasi ka dambeyso dowladda Soomaaliya oo uu tilmaamay inay meesha ka saartay ciidamadii sugayey amniga ee ku sugnaa halkaasi.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Al-Shabaab gobolka ku xoogeysteen, islamarkaana ay weeraro ba’an ku hayaan degmooyinka gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

“Gobolka Gedo waa Gobolka labaad ee Soomaaliya ugu weyn, muddo 12-sano ammaanka waxaa gacanta ku hayay Ciidamada Jubbaland oo Dowladda Federaalka ka raacdeysay, sidoo kale Doolow ma aysan haweysan jirin Al-Shabaab, habeen dhexdaas ayay tageen gaari ayay kasoo qaateen qofna way dileen, Luuq way weerareen oo amniga ayaa faraha ka baxay” ayuu yiri Senator Fartaag oo ka tirsan Xildhibaanada  Golaha Aqalka Sare Somalia.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay si weyn Jubbaland u cambaareysay qaraxii ka dhacay Beled-Xaawo oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad shacab ah, waxaana ay sheegtay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay qaadi doonto mas’uuliyadda qaraxaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this