Deeq A. Posted August 19, 2020 Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu saacadaha soo socdo ku wajahan yahay gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda gobolka Nugaal. U jeedka safarka Qoor-Qoor ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku qotomo sidii uu ula kulmi lahaa dhiggiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu kala hadli doono sidii uu uga soo qeyb-gelo shirka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay shirkan oo looga hadlayo arrimaha doorashada ee 2020/2021, iyaga oo shuruudo adag ku xiray ka qeyb-galka shirkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites