Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Taiwan uga digay inay kala qeybiso Soomaaliya, kadib xafiiska diblumaasiyasadeed ee ay ka furatay Somaliland.

Cawada ayaa sidoo kale tilmaamay in Twain ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Halkan hoose ka akhriso:

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysay isku dayga taxaddarka ah ee Taiwan ee ku xadgudubka Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ku xad gudubtay sharafteeda, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay diidan tahay dhacdooyinka marin habaabinta ah ee doonaya in ay ku abuuraan kala fogaansho iyo kala qeybinta dadkayaga” ayaa lagu yiri Warka dowladda.

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Dowladnimadeeda, Midnimadeeda dadkeeda iyo sharafteeda ‘Soomaaliya waxay xaqiijineysaa mowqifkeeda ixtiraamka Mabaadiida Awoodda Dowlad Gobaleedyada iyadoo la raacayo Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiyada Qaramada Midoobay” ayaa la sii raaciyay Warka kasoo baxay Wasaradda Arrimaha dibada.

Ugu dambeyntii warka ayaa lagu xusay ” Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sidaas darteed ugu yeereysa Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mabaadi’daani waa kuwo aan gorgortan gelin karin Dowladda Federaalka ah ,Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka iyo Madax-bannaanida siyaasadeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this